Washington: – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey magaalooyinka waa weyn ee dalka Syria ay ka socdeen mudaaharaadyo ay shacabku ku dalbanayaan  In ay  helaan  xoriyadooda  aasaasiga ah  iyo in  dalka  laga  qaado xukunka  degdega ah  ee saarnaa  dalka muddo ku siman  konton  sannadood ayaa hadana waxaa isa soo taraysa cambaareenta loo jeedinayo xukuumadda Syria.

Hay’adaha xuquuqda aadamaha u dooda shaaca ka qaadeen in ay ciidamada ammaanka ee dalkaasi Suuriya ku dileen magaalada Dirca inkabadan 100 qof, mar ay dad badan oo isugu soo baxay in ay aasay

Hase  yeeshee  xukuumadda  Suuriya  waxa ay ku  eedeysaa dadkaasi dhintay  in ay  ka dembeeyaan  kooxo  hubaysan  oon  haybtooda  la garanayn,  oo  doonaya  in  ay  khalkhal   ku abuuraan  dalka,  Taasoo ciidamada  ammaanku ku dabo  jiraan  sidii ay u  soo  qaban  lahaayeen.

Xoghayaha guud ee QM Baanki Muun ayaa ka dalbaday dowladda Syria in ay joojiso awoodda dheeraarka ah ay u isticmaalayso dadka sida nabad gelyada ah u banaanbaxaya ee dalkaas Syria.

Xukuumadda Washington ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay isaga baxaan dalka Syria, iyadoo sidoo kale sheegtay in ay ka fiirsanayso cunaqabatayn kadhan ah maamulka dalka Syria.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring