Wasiirada arimaha dibada Maraykanka Hillary Clinton ayaa ganafka ku dhufatay in aanay ahayd wax la aqbali karo hanjabaadyada kaso yeeraya Madaxweynaha Liibiya.

Clinton oo si wada jir ah shir Jaraa id ula qabatay dhiggeeda Spain Terenidad Khaymnit ayaa sheegtay in badalka hanjabaadyada kasoo yeeraya Qdaafi looga baahan yahay in uu qaato talaabo uu xilka ku banaynayo.

Wasiirada arimaha Dibada Spain ayaa dhinaceeda sheegtay in aanu marnaba isbadalayn go aanka Nato ee lagu caawinayo sida ay hadalka u dhigtay shacabka Liibiya,ugana baaqsan mayno ayay tiri goodinta qadaafi howlgalada aanu ka wadno dalkaasi.

Maalintii Jimcaha ayay ahayd Markii uu madaxweynaha Liibiya Mucamar Al qadaafi isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa uu sheegay in ay weerarayaan Yurub hadii aanay Nato ku joojin duqaymaha ay dalkiisa ka gaysanayso.

“Awood ayaanu u leenahay in aanu galno yurub,waanu idin burburin karnaa,inta aanan lama deegaan Idinka dhigin Joojiya duqaymaaha aad wadaan”waxaa hadalkaasi jeediyay isaga oo ay caro ka muuqto Madaxweynaha Liibiya Korneel Mucamar Al qadaafi.

Isbahaysiga Nato waxaa ay weli wadaan taageerada ay siinayaan kooxaha kacdoonka,iyadoona asbuuc kahor dowlada Faransiisku ay qaadatay talaabo aanan lala ogayn,iyadoona hub u daadisay Kooxaha Kasoo horjeeda Nidaamka Korneel Mucamar Al qadaafi.

 Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.