Iyadoo dalwada KMG Soomaaliya ay gudi gaar ah oo heer qaran ah u saartey aaska Madaxweynihii hore ee dawlada KMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa gudigaasi shaaca ka qaadeen xiliga meydka Marxuum Yuusuf dalka la keenayo iyo waliba xiliga la aasayo.

Gudoomiyaha gudigaasi Wasiirka ganacsiga ahna Ra’isalwasaare kuxigeen C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa daboolka ka qaaday in maalinimada Axada oo bishan March ku beegan tahay 25, meydka C/laahi Yuusuf la keeni doono magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan halkaasina lagula tukan doono salaada janaasada.

C/wahaab wuxuu sheegay in salaada Janaasada ay ka soo qayb gali doonaan madaxda dawlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha isla markaana ay sidoo kale ka soo qayb galayaan qoyska Marxuumka iyo safiirada safaaradaha shisheeye ee dalka ku sugan iyo qaybaha kale ee dawlada.

Wasiirku wuxuu sheegay in marka ay dhamaato tukushada salaada janaasada in meydka Marxuum Yuusuf loo duulin doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo la qorsheeyey in lagu aaso, walow hadal arinkaasi ka duwan uu horey u shaaciyey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo sheegay in meydka C/laahi Yuusuf lagu aasi doono magaalada Garoowe.

Link-ga hoose ka dhageyso hadalka wasiirka ee ku aadan aaska Marxuum Yuusuf.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA WASIIRKA

Axmed Aar
SBC Muqdisho