Magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya maanta waxaa ka dhacay Aaska Alaha u naxariiste wariye Maxamed Ibraahim Raage oo kooxo hubeysani maalin nimadii shalay gelinkeedii dambe ku dileen gudaha Degmada Dharkinleh .

Siyaasiyiin ka tirsan DOwlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka warbaahinta Qaranka, bahda Saxaafada iyo ururada Bulshada ayaa ka qeyb galay Aaska loo sameeyay Wariyaha.

Dhamaan dadkii aaska ka qeyb galay waxa ay halkaasi ugu duceeyeen wariye Maxamed Ibraahim Raage iyagoo u rajeeyay Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday in samir iyo iimaan eebe ka siiyo.

Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cabdi Shiino ayaa warkaas noogaga soo diray Magaalada Muqdisho DhagDHaGEYSO