Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal haysa wiil Soomaaliyeed oo todobaadkii hore diyaarad u kala gooshaysay gudaha wadanka Mareykanka ku dhuuntey godka ay ku xaroodaan taayirada ama shaagaga diyaarada mid ka mid ah, isagoo wiilkaasi uu ka badbaaday halis aad u weyn oo taariikhda inta la xusuusto 105 qof ay horey isagu dayeen arintaasi kuwaasi oo badankoodu ku geeriyoodeen socdaalkaasi halista ah.DIYAARAD2

Idaacada VOA ayaa wareysi la yeelatey aabaha dhaley wiilkaasi oo lagu magacaabo Cabdulaahi Yuusuf Cabdi oo ku nool wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka California, iyadoo goor sii horeysay wareysi kale oo ay bixisay wiilkaasi oo hooyadiis oo lagu magacaabo Ubax Maxamed C/laahi ay sheegtey in wiilkeeda uu xoog uga qaatey aabihiis isla markaana uu u sheegay in hooyadiis dhimatey, wiilkaasina wuxuu sheegay markii ay wareysteen Booliiska Mareykanka in arinta diyaarada uu dabada qabsadey ay ugu wacan tahay in hooyadiis uu Afrika ku nool uu doonayey in uu soo arko.

DIYAARAD

Link-ga hoose ka dhageyso wareysiga aabahaasi iyo sida ay hadda ay ku sugan yihiin ka dib markii arintan ay ku dhalisay walwal aad u culus.

HALKAN RIIX