MAQAL:Sh Xasan Daahir Aweys muxuu ka yiri dilkii Sh C/qaadir Nuur Faarax(DHAGEYSO)

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyeyaasha xarakada Al-Shabaab ayaa maanta ka hadley dilkii magaalada Garoowe loogu geystey ALLAHA u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay horey u ahaayeen saaxiibo mudo dheer is yaqiin sida uu sheegay Xasan Daahir oo wareysi siiyey Tv-ga Somali Chanel ee xaruntiisu tahay magaalada London.sheekh_xasan_aways

Wareysigaasi oo ahaa mid khadka telefoonka lagula yeeshay Sheekh Xasan Daahir oo sida wariyaha wareysiga qaaday uu sheegay in uu Sheekhu ku sugan yahay gudaha wadanka Soomaaliya, ayuu wuxuu kaga hadley arimo badan oo ku aadan aragtidiisa ku aadan dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faaarx, wuxuu ka sheekeeyey xiligii ay is barteen, arimihii ay kawada shaqeyn jireen iyo waliba tuhunka & eedeymaha ku aadan in dilkaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Al-Shabaab oo uu xubin ka yahay Sheekh Xasan Daahir.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu si buuxda ugu cadeeyey wareysigaasi aragtidiisa ku aadan dilkaasi iyo mowqifka uu ka aaminsan yahay dilalka caynkaasi ah iyo waxa uu ka aaminsanaa shakhsiyada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo waliba sababaha uu u go’aansadey in uu ka hadlo dilkaasi.

Link-ga hoose ka dhageyso wareysiga lala yeeshay Sheekh Xasan Daahir Aweys:Halkan Riix

SBC News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print