Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar maanta waxaa ka dhacay Aas aad u balaaran oo ay ka qeyb galeen Madax iyo Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne yaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland, kaa soo loo sameeyay Alaha u naxariistee Boqorka beelaha Daarood Boqor C/laahi Boqor Muuse Boqor Kingkong.

Aaskaasi oo ka dhacya Qabuuraha magaalada Qardho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa qeybaha kala duwan ee Salaadiinta, Odayaasha, isimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iyadoo ay intaasi dheereed siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale oo tira badan.

Halkaas ayay hadalo kala duwan ka soo kala jeediyeen dhamaantood odayaal dhaqameedyadii halkaas ku sugnaa iyo masuuliyiintii sar sare,

Dhageyso Codadkii tacsida ahaa ee ay dhinacyadaasi halkaasi ka soo jeediyeen.RIIX AMA DAAR

Dhamaantood dadkii ka qeyb galay Aaska Boqorka ayaa halkaasi alle ugu baryay boqorka in uu ka waraabiyo janadiisa firdowsa, kana samir siiyo dhamaan umada Soomaaliyeed ee uu ka baxay siiba qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Daawo Sawirada qeybtood Aaskii loo sameeyay Boqorka beelaha Daarood.

100_2777 100_2829 100_2838 - Copy 100_2839 - Copy 100_2855 - Copy - Copy 100_2856 - Copy 100_2875 100_2876 100_2882 - Copy (1) 100_2891 100_2892 100_2905 100_2921 100_2924 100_2926 100_2931 100_2932 100_2936 (1)