Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweysay go’aan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aadanaa la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka wada hawlgalada afduubka xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ee kulaala.

Wasiirka dekada Gaadiidka badda & la dagaalanka burcad badeeda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa shaaca ka qaaday in Puntland si diiran u soo dhaweynayso go’aanka ka soo baxay wasiirada arimaha dibada midowga Yurub oo la xiriira in burcad badeeda lagala dagaalamo dhanka beriga oo aan lagu ekaan badda oo kaliya taaso oo macnaheedu yahay in hawlgal ciidan wadamada midowga Yurub ee hawlaha la dagaalanka burcad badeeda ku jira ay ka fulin karaan meel kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Laakiin Siciid Maxamed Raage oo muujiyey in Puntland go’aankaasi soo dhawenayso hadana muxuu ka yiri in mowqifka Puntland ee la xiriira hawgalo laga fuliyey deegaanada Maamulka uu wasiirka ka yahay, arimahaasi iyo faahfaahin kale ku dhageyso shir jaraa’id oo uu qabtey wasiirku link-ga audio ka dhageyso.

 HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKAN JARAA’ID EE WASIIRKA

SBC News Desk