Mamulka Puntland ayaa maamul goboleedka galmudug ku wareejiyay nin hada ka how laga soo afduubtay deegaamada dowlad goboleedkaas loona soo afduubtay dhanka puntland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo kusugan gaalkacyo ayaa sheegay in maamulkaas ay ku wareejiyeen ninkan hada ka how laga soo afduubtay goboladooda ka dib markii nin puntland u dhashay lagu heystay dhankooda.

Waxa uu Qarjab sheegay in arinta afduubta dadka tahay mid ku cusub bulshada dhexdeeda islamarkaana aan lagu aqoonin mushtamaca Soomaaliyeed .

Qaar ka mid ah Masuuliyiin ka socday Maamulka Galmudug ayaa iyaguna joogay kulanka kala wareejinta ninkan iyagoo halkaasi ka sheegay in falalkan ka xun yihiin .Dhageyso Wariye Liibaan Qaran oo Warbixin ka diyaariyay