Madaxda Dowlada Puntland ayaa maanta gudaha Magaalada Garoowe xarunta Puntland ku qaabilay wafdi ka socday Dowlada dalkaaasi Talyaaniga kuwaas oo kala qeyb galay munaasabado lagu furayay Warbaahinta Puntland.

Wafdiga talyaaniga ah waxaa horkaceysay Haweeney lagu magacaabo Carlotta Wolf  waxayna wakiil ka aheyd Safiirka Talyaniga u gaabilsan gudaha Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday gudaha Xarunta warbaahinta Puntland ayaa madaxda Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne Faroole iyo wafdigan Talyaaniga ah waxay kaga jareen xariga idaacada Puntland.

Waxaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay gaadiid nooca ciidanka Policeka ah kuwaas oo ay dowlada Talyaaniga ku wareejisay Xukuumada Puntland, waxaana ka gudoomay Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

 Warbixinta Warkan oo faah faahsan halkan ka dhageyso

Sawiro
2 3 4 5 6 7