Ergeyga Bedeyala Augustine Mahiga oo ahaa u qaabilsanaha Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ka degay magaalada Muqdisho xarunta dalka .

Nicholas Kay oo ah Ergigan cusub ee bedelaya Mahiga ayaa la magacaabay 20ka bishii hore waxaana imaatinkiisa maanta magaalada muqdisho ku soo aadaysaa xili lagu wado in maalinta berito ah uu la wareego xilka uu u magacaabanyahay.

Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sio dhaweyn ka dib waxaa saxaafada la hadlay Bahda warbaahinta u qaabilsan Nick Kay waxayna ay sheegeen in Magacii uu ku howl galayay xafiiska siyaasada u qaabilsan Q M ee ahaa Unbos la bedelay lagana dhigay UnSom.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu Wariyaha SBC ee Muqdisho Maxamuud Cismaan Warsame. RIIX AMA DAAR

War murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayan cusub ayaa lagu sheegay in shaqadiisa Nick Kay ay maanta ka bilaabaneyso isagoo xafiisyo ka furan doona magaalooyinka waaweyn ee dalka  kuna howlgali doona.

Maxamuud Cismaan Warsame
SBC International Muqdisho