Maalinimadii shaley waxaa magaalada Garoowe ka furmay shirweynihii ansixinta dastuurka cusub ee Puntland, iyadoo ay ka soo qayb galeen dad aad u fara badan oo ay ka mid yihiin madaxda Puntland.

Khudbado kala duwan ayaa halkaasi laga jeediyey waxaana dadkii halkaasi ka hadley ka mid ahaa Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, Gudoomiyaha Baarlamanka C/rashiid Maxamed Xirsi, Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre.

Warbaahinta SBC waxay idiin soo gudbinaysaa khudbadihii shirkaasi laga jeediyey, waxaana khudbada ugu horeysa ee aan idiin soo gudbinayo waa tii uu jeediyey madaxweynaha Puntland isagoo arimo fara badan kaga hadley khudbadiisa.

Link-ga hoose guji si aad u dhageysato khudbada madaxweyne FarooleHALKAN KA DHAGEYSO HADALKII FAROOLE

Khudbadii Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi link-ga hoose ka dhageyso
HALKAN KA DHAGEYSO HADALKII GUDOOMIYAHA BAARLAMANKA

Halkan ka dhageyso khudbadii Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre
DHAGEYSO KHUDBADII MAXAMED XASAN BARRE

Khudbad si weyn loogu sacab tumay ayaa waxaa halkaasi ka jeediyey Suldaan Cabdisalaan oo ka mid ah issimada Puntland.
HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO HADALKA SULDAANKA

SBC News Desk