Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadley guulaha ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay ka gaareen degmada Xudur ee gobolka Bakool isla markaana ay la wareegeen xarunta gobolkaasi ee magaalada Xudur, waxaana uu sheegay in taasi tahay waa sida hadalka uu u yiriye tabar darada iyo awood la’aanta haysta Al-Shabaab.

Ra’isalwasaaraha ayaa arimaha uu ka hadley waxaa kaloo ka mid ahaa oo waliba su’aalo laga waydiiyey.

1: Gobolada ay qabsadaan ciidamada dawlada & ciidamada kale ee shisheeyaha ee taageeraya oo ay isxjininayaan ama tagayaan xubno aan ka aheyn golaha fulinta oo ah golaha wasiirada ama xukuumada.

2:Dawlada taageerada ay siiso Ahlu Sunna gaar ahaan kuwa Galguduud, ma jirtaa in taageero dhaqaale la siiyo oo la daaweeyey maleeshiyaadka kaga dhaawacma dagaalada sida dagaalkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb iyadoo Ahlu Sunna ay taageersan tahay dawlada KMG.

3:Qorshaha lagu hagayo Isgaarsiinta oo ay golaha wasiiradu ansixiyeen, iyadoo arintaasi markii uu xoogaa faahfaahiyey uu ku wareejiyey hadalka Wasiirka arintaasi qaabilsan.

Si aad u dhageysato shirkaasi jaraa’id iyo waliba su’aalaha la waydiiyey Ra’isalwasaaraha riix link-ga hoose.
HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADA SHIRKAN JARAA’ID

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com