SBC waxay diyaarisay barnaamij dheer oo ka hadlaya taariikhdii iyo waayihii ALLAHA U NAXARIISTEE Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynihii Soomaaliya oo saaka ku geeriyoodey dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Barnaamijkan gaar ah ayaaad ku maqli doontaa Taariikhada AHN C/laahi Yuusuf oo Kooban Qaar ka mid ah Khudbadihii Taariikhiga ahaa ee uu ka jeediyay xilligii uu madaxda ka ahaa DKMG iyo ka dib

Barnaamijkan waxaa ka qeybgelaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan ku booqday Marxuumka Isbitaalkii uu ku jiray ee ku yaalay Emaaraadka

Masuuliyiinta kale ee barnaamijkan ka hadli doonta oo aad ku maqli doonto cododkooda waxaa ka mid ah

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland Gen Siciid Dheere oo Aqoon Durugsan u lahaa Marxuumka

Afhayeenka Xukuumada Fedaraalka Eng C/raxmaan Yariisooow

Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ay soo wada Shaqeeyeen aqoon Balaarana u lahaa

Xisaabiyaha Guud ee Puntland Xilligan C/risaaq Xasan guul

Siyaasi Gen C/laahi Siciid Samatar

Gen Maxamed Siciid Xirsi Moorgan

Dr Yuusuf Xaaji Siciid Gudoomiyihii Barlamaanka Xilli Marxuumka uu ahaa Madaxweynaha Puntland

Garaad C/laahi Cali Ciid isimada Puntland ee la soo shaqeysay AHN C/laahi yuusuf Axmed

Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi oo ay sannadii ugu danbeeyay kuwada noolaayeen Wadanka Yemen

Dhamaan ka qeybgalayaasha Barnaamijkan gaar ah ayaa ka sheekeyn doona Taariikhdii iyo Aqoontii ay u lahaayeen Marxuum C/laahi yuusuf Axmed waxayna tacsi u dirayaan Dhamaan Umada Soomaaliyeed

HALKAN KA DHAGEYSO BARNAAMIJ DHEER OO KU SAABSAN NOLASHII & WAAYIHII MARXUUM YUUSUF

SBC International Monitoring