Jilayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Muriidi (Ajakis) & Cabdi Jaylaani Malaaq (Marshaale) ayaa dhawaan soo gaarey deegaanada Puntland iyadoo ujeedada socdaalkoodu yahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen bandhig faneed ku aadan Isdhexgalka Bulshada oo ay wado wasaarada warfaafinta Puntland.

Ajakis & Marshaale oo wareysi xiiso leh siiyey SBC ayaa waxay sheegeen inay tahay markii ugu horeysay ee ay yimaadaan deegaanada Puntland, waxaana ay tibaaxeen in ay ku faraxsan yihiin sida diiran ee loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo deegaano kale oo ay safar dhanka dhulka ah ku soo mareen.

Wareysiyadan xiisaha leh ee ay bixiyeen Marshaale & Ajakis waxay ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin amaanka iyo soo dhaweynta Puntland ka jirta iyagoo ku kaftamay in cagoohada dhulka loo diiday taasi oo ay ula jeedaan sida balaaran ee loo soo dhaweeyey.

Ajakis oo ka hadlayey wixii ugu yaabka badnaa ee uu kala kulmo socdaalkiisa Puntland ayuu yiri “Cimrigaaga oo raaga geel dhalaaya aas ku tusaa aan dhahnaa unuka hada hee aboow waxay joogtaa cimrigaaga oo raaga Garoowe aa ku tusaa”, waxaa iigu yaab badneyd anigoo arkay geel geel nuugaya…..aboow unuka xitaa eriga in uu na soo dhaweeyo aa hada dhiman wax kale oo inoo dhiman ma jirto”.

Marshaale wareysiga lala yeeshay wuxuu isaguna yiri “Garoowe aniga waxaan u heystey meel oo la tagi karin, laakiin markii imid wax ka duwan wixii aan filaayey aan arkay, hee lama kun qof aa na soo dhaweysay maxaan kaaga sheegaa hee……”.

Link-ga hoose ka dhageyso wareysiyada xiisaha leh ee Ajakis & Marshaale.DHAGEYSO WAREYSIGA AJAKIS

DHAGEYSO WAREYSIGA MARSHAALE

SBC NEWS DESK