Maanta magaalada Muqdisho waxaa ku shiray xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya Waxgarad iyo masuuliyiin ka soo jeeda maamul goboleedyada dalka kuwaa soo ka wada hadlay xiisadaha colaadeed ee ka jira gobolada dalka qaar.

Masuuliyintii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa kuwo ka kala socday maamul goboleedyada dalka sida Puntalnd iyo Galmudug, iyagoo baaq u diray beelaha ku dagaalamaya gobolada dalka qaar.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Muqdisho ku diyaariyay wariye Jeylaani Yuusuf.RIIX AMA DAAR

Xildhibaanada iyo sidoo kale masuuliyiinta ayaa ugu dambeyntii waxa ay ka codsadeen dowlada federaalka in ay jawaab deg deg ah ka bixiso colaadaha ka jira dalka iyagoo ugu baaqay dhinaca kale inay qaataan baaqooda kana waantoobaan coaladaha ay hurinayaan.