Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu xusayay sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegatay xiligii la furay Xafiiska Howlgalka Qaramada midoobay Ee Soomaaliya marka la soo gaabiyo magaciisa loo yaqaan UNSOM ayaa waxa ay ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Xafladaas waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xubno sar sare oo ay ku jiraan raiisul wasaare ku xigeeno oo ka tirsan xukuumada iyo, iyo qaar kale oo ka socday laamaha kale ee dowlada.

Waxaa xafladaasi laga soo kala jeediayy khudbado kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadkii ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo uqaabilsanaha qaramada Midoobay Soomaaliya Mr Key, iyagoo taabtay dhamaantood dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xaaladaha dalka iyo wax qabadka xafiiska qarmada Midoobay Somaaliya intii uu dalka ka howlgalayay.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Muqdisho ku diyaariyay wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf.RIIX AMA DAAR