Waxaa soo Hagaagaysa Xaaladda Caafimad ee Taliyaha Ciidamada Ilaalada Maxkamada Darajada koobaad Ee gobalka Bari Maxamed Cali Saleeban Oo Dabley Hubeysan Xalay ku dhaawaceen Boosaso

Waxana dhaawac taliyaha Xalay gaystay dablay baastoolada ku hubaysan kuwaso haybtooda la aqoon sida ay xaqiijiyeen taliska qaybta booliska gobolka bari.

Dhaawac taliyaha ayaa lagu Dabiibayaa isbitalka weyn Ee Magaaladda Boosaso si xaaladiisa caafimad loola tacaalo.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koobaad ee Gobolka Bari Abuukar C/nuur Jaamac Oo La hadlayay SBC ayaa sheegay in xaalada caafimad ee Talihu ay wanaagsantahay, islamarkaana uu soo gaaray Dhaawac fudud,

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in falkan iyo sida uu u dhacay ay baaritaankiisa oga danbeyn doonaan laamaha amaanka oo ay howshaasi u taalo,

Ilaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyada weerarkii Xalay lagu dhaawacay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Maxkamada Darajada koobaad Ee gobalka Bari Maxamed Cali Saleeban Xilli uu ku sugnaa Bartamaha Magaaladda Boosaso.

Ugu danbeyna Waxaa goobtii Xalay falku ka dhacay Gaaray Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda oo Sidoo Kale Baaritaan ka waday Xaafadaha Kala duwan ee Magaaladda Boosaso

DHAGEYSO WAREYSIGA :