Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxaa gaaray maalin nimadiis halay Wafdi heer wasiir ah kuwaas oo loo diray in ay xaliyaan xiisad colaadeed oo gudaha gobolkaasi ku dhexmartay laba beel oo walaalo ah.

Xubnahan ka kooban wasiirada ayaa waxa ay ku dadaalayaan in ay isugu keenaan labada beel ee wada dagaalamay, waxaana ay la shirayaan labada dhinac ee ay dhex martay colaadu.

Dilal aanooyin ah oo dhowaan ka dhacay gobolka ayay ka bilaabatay colaadan dhex martay labadan beel waxaana iminka socota waan waan ay ku jiraan odayaal iyo xubno ka tirsan dowlada Puntland ee hada jirta.

Dhageyso Warbixin faah fahsan oo uu gaalkacyo ku diyaariyay wariye C/laahi Yare.RIIX AMA DAAR