Wariye Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa Maanta Dib u heley Xoriyadiisa, kadib Markii 6 Cisho uu ku xirnaa Saldhiga Koonfureed ee Magaaladda Garowe

Subaxnimada maanta oo Sabti ah ayaa Cumar Dheere la geeyey Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii amar ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamadda ee ururka MAP dacwadda u gudbiyey.

Cumar Siciid Maxamed oo Wareysi siinayay Warbaahinta SBC Ayaa Sheegay in Hadda Damiin lagu siidaayay Islamarkaana uusan ka Bixi Karin Magaaladda Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,

Cumar wuxuu u mahadceliyay Dhamaan Saxafiyiintii Ka qeybqaatay siideyntiisa, iyo Cid kasto oo gacan ka geysatay inuu Xabsiga ka soo baxo 6 Cisho Kadib,

Mar la weydiiyay Sababta Loo Xiray ayuu sheegay inusan ilaa hadda garaneyn waxa loo xiray laakiin uu aaminsanyahay in lagu heysto lasafashadii dhinaca Shacabka ee Dhawaan cabashada ka muujinayay Sarifka Lacagaha iyo Sicir bararka Ka Jira deegaanada Puntland,

Ugu danbeyn ayuu Madaxda Puntland ka Codsaday in Ay Sharciga ilaaliyaan, oo Wasaaradda Warfaafinta loo daayo Shaqooyinka Saxafiinta, Iyo Eedaha loo Heysto,

Maahan markii ugu Horeysay ee Sidan oo Kale Wariye Loogu Xiro Puntland, kadibna la soo daayo iyadoon wax Maxkamad ah la soo Taagin, lana Sheegin waxa Loo Xiray.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI :