Ciyaarihi 7aad ee kubadda Cagta Puntland ayaa maraya heer aad u xiiso badan kaas oo ka socda garoonka mire awaare ee magaalada Garoowe Caasimada Puntland,

Koobkan oo ay ka qeyb galayaan dhamaan gobolada punland ayaa ah mid siweyn saxmadiisa looga dareemayo magaalada Garoowe, iyadoo amaanka siweyn loo adkeeynayo dadkuna muujinayaan sida ay ugu farax san yihiin uguna qanacsan yihiin habsami u socodkiisa.

Dhageyso Faah faahin ay Garoowe ku diyaarisay Wariye Maymuun C/risaakh Khaliif. RIIX AMA DAAR

Dhinaca kale Maanta waxaa ganaax lagu riday Xulka gobolka Ceyn ka dib markii ay geysteen sida la sheegay qaladaad ciyaartii shalay ka dhacday Mire Awaare.

Xiriirka Ciyaaraha gobolada Puntland oo ka fariistay Xulka gobolka Ceyn ayaa ku soo oogay dembi ahaa in ay gacan qaad iyo hanjabaad u geysteen Calan wadihii ciyaarta shalay ay la yeesheen gobolka Bari, ka dibna ay ka qaateen Go’aankan.

Waxaa lagu riday Gobolka Ceyn Ganaax ah in ay ka maqnaan doonaan ciyaaraha xiga ee gobolada Puntland, hadiise ay dib racfaan uga qaadanayaan laga doonayo lacag dhan 2 kun oo doolar.

Ciyaaraha ayaa ah mid aad u sareeya, waxaana heerka hada uu marayo koobka yahay mid xiiso badan oo xul walba uu isku dayayo in uu ku dagaalamo fara cidiyo leh si uu u gaaro kaalin sare ama uu ugu guuleysto Koobka Sanadkan,