Hay’ad Maxali ah oo lagu magacaabo Adeedso ayaa magaalada Baran xarunta gobolka Sanaag ka wada howlo ay dib ugu hagaajineyso wadooyinka Dhexmara magaalada Baran.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemay howlaha hay’adaasi gudaha Degmada Baran taas oo ay siweyn u soo dhaweeyeeen Dadka ku dhaqan deegaanka .

Dayactirga wadooyinkan dhexmara Baran ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa maadaama gebi ahaantoodba ahaayeen kuwo bur bursan islamarkaana ay ka sameysmeen godad ka dib markii ay gobolka ka de’een roobab biyihii ay reebeenna ay saameyn ku yeesheen wadooyinkan,

Gaadiid noocyada fuliya howlaha shaqo ee laga qabto wadooyinka islamarkaana hay’adan ay maalgelisay ayaa ciida nooca looyaqaan carakaabadda ku shubaya wadooyinka, taa soo ay quburo ku xeel dheer dayactirkuna wadaan howlahooda dayactireed.

Dhageyso Warbixintan iyo warbixino kale oo gobolka ku saabsan oo uu noo soo diray wariyaha SBC ee Gobolka Sanaag Cawil Nadiif Suldaan.DHAGEYSO