Iyadoo lagu guda jiro xiliyadii roobabka islamarkaana caadiyanba roobabka da’a ay biyo dhigaan wadooyinka magaala kasta ayaa waxaa maanta cabasho ka soo saaray biyaha fariista wadooyinkaas gaadiidleyda ka xeeya gaadiidka yar yar ee loo yaqaan bajaajta islamarkaana ka shaqeeya magaalada Garoowe Caasimada Puntland.

Gaadiidkan oo ah nooc ka mid ah kuwa dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada ayaa wadayaasha ka xeeya waxa ay sheegeen in ay arintaas ku qabaan dhibaato ayna u keento gaadiidkan yar yar in ay fariistaan taasina ay iyagu caqabad ku tahay.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo warkan ku saabsan iyo wariye Maymuun C/risaaq Khaliif.RIIX AMA DAAR

Dadweynaha magaalada Garoowe ayaa adeegsada badanaa gaadiidkan yar yar ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Garoowe, waxaana ay u tahay mid ay ku adeeg doontaan amaba suuqa ka soo rartaan xiliyada ay adeeganayaan.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay noqotay bajaajtu mid ku soo badata magaalooyinka dalka siiba caasimada Puntland ee garoowe iyadoo ay aad u adeegsadaan dadka ganacsatada ah wadayaal gaadiid oo tirabadanna shaca qabuur u sameysay.