Isbitalka Keydsaney ee magalada Muqdisho Caasiamda dalka waxaa kujiray qoys ka kooban 10 qof oo dhowaan la soo gaarsiiyay kuwaa soo la sheegay in ay cabeen biyo ay ku jirtay sun.

Saacadihii aynu ka soo gudubnay waxaa ku geeriyooday 2 ka mid ah qoyskan iyado dhimashadu iminka gaartay 7 qof waxaana haray 2 cunug iyo ayeeyadii iyadoo horey ay u dhimatay hooyadii qoyska.

Dhageyso warbixin iyo codka mid ka mid ah qoyska oo la hadlay warbaahinta.RIIX AMA DAAR

Deegaanka ay sunta ku cabeen ayaa lagu magacaabaa War faarax waxaana uu ku yaala goboka Shabeelaha dhexe,

tirada yar ee ka hartay qoyskaas ayaa loo qeyla dhaaminayaa iminka iyadoo loo baahan yahay in la badbaadiyo noloshooda, saacadan la joogana ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah oo caafimaad iyo qalab caalami ah.