Taliyaha Cusub ee ciidanka Booliiska Puntland Cabdirisaaq Maxamed Yusuf Afgaduud ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf.

Munaasabada Xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Taliska ciidanka Booliiska ee Garowe waxaa ka qayb galay Wasiirka amniga ‘Agaasimaha guud ee Cadaalada iyo sarakiil kale.

Taliyaha Cusub ee ciidanka Booliiska Puntland Cabdirisaaq Maxamed Yusuf Afgaduud isagoo tilmaamay in Jaqanaf uu meel wanaagsan keenay howsha Ciidanka Booliiska uuna xusay inuu ku amaanan yahay.

Afgaduud ayaa sheegay in howsha loo igmaday uu halkaa kasii wadi doono waxaa uuna goobta ka sheegay in Askarigii lagu arko isago ku qayilaya goobaha shaqada iyo kantaroolada sharciga la hor keeni doono.

Wasiirka Amniga Puntland Puntland Cabdi xirsi Xirsi Cali Qarjab ayaa umahad celiyey Taliyihii hore iyo kan cusub waxa uuna Ciidanka Booliiska ku booriyey in lala shaqeeyo taliyaha Cusub’ Wasiirku ayaa sheegay in Jaqanaf uu howl muhiima soo qabto Afgaduudna uu noqon doono mid kasoo baxa howsha loo igmaday.

Dhawaan ayeey aheyd Markii Madaxweyne Gaas Uu Afgaduud Umagacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

DHAGEYSO WARBIXIN: