Taliska Ciidanka Police-ka gobolka Sanaag ayaa shaaciyay maanta in ay qabteen gaari ay laheyd shirkada Golis Telecome kaas oo laga dhacay gobolka Bari.

Gaashaanle Axmed Siciid Maxamed oo la hadlay SBC international Maanta Duhurnimadii ayaa sheegay in gaarigan ay ku qabteen howlgal ay saaka fuliyeen ayna wateen rag dhalinyaro ah oo ilaa 4 qof ka kooban.

waxa uu intaasi taliyuhu ku daray in ragan gaariga lagu qabtay ay damacsanayeen in gobolka Sanaag ay ka talaabiyaan gaariga balse xogta ay hayeen ciidanku ku guuleysteen in ay xabsiga soo dhigaan.

Dhageyso Taliyaha oo wareysi siinayay SBC, RIIX AMA DAAR

Gaarigan la dhacay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaan iskarogada islamarkaana daabula agabka lagu dhiso guryaha iyo waxyaabaha xamuulka ah waxaana uu ka shaqeynayay gudaha gobolkan Bari.

SBC International Boosaaso