Taliyaha Boliska gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir oo shir saxaafadeed ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka waramay Amaro ku saabsan amaanka oo ay soo saareen iyo weliba falal amaan daro ah oo 24tii saac ee la soo dhafay ka dhacay Magaalada Garoowe.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in ay gacanta ku hayaan Dadkii geystay Falalkaasi, Ciidamada Boliskuna ay ku guda jiraan howlgalo lagu sugayo Amaanka guud ahaantiis .

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu shaaca ka qaaday amaro ay ka soo saareen amaanka isagoo sheegay in Aanay jiri doonin qof hub sharci daro ah la dhexmari kara gudaha magaalada ayna talaabo ka qaadi doonaan qofkii lagu arko.

Waxaa kale oo uu sheegay in cidii diida lacagta shilinka Soomaaliga siiba Shanta boqol ay sharci daro ku dhaqmeyso sidaa awgeedna ay talaabo ka qaadi doonaan ka boolis ahaan .

Dhageyso Warbixin arintaas ku saabsan oo ay ka diyaarisay Wariye Samiiro C/raxmaan .DHAGEYSO

SBC INternational Garoowe.