Taliska ciidanka police-ka gobokla Mudug aya maanta waxa ay wareejiyeen Gaari nooca candha meydlaha ah kaas oo mudo 3 bilood ah lagu heystay deegaanka xarfo ee gobolka mudug.

Gaarigan ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay wadihii gaarigaas, waxaana gaariga uu ahaa mid laga leeyahay gobolada dhexe ee dalka .

C/rishiid Abshi Xaashi oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Police-ka gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigan si rasmi ah ay ugu wareejiyeen mulkiilihii lahaa gaariga oo lagu magacaabo Cabdi Maxamuud Xirsi.

Sikastaba h ahaatee Wadaha gaariga ahana mulkiilaha Cabdi Maxamuud Xirsi oo isla goobta kula hadlay warbaahinta ayaa isna ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu wareejiyay gaariga.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo arintan ku saabsan iyo wariye C/laahi Maxamuud Aadan RIIX AMA DAAR