Mahad C/raxman Aadan Taliyaha Ciidanka Police-ka gobolka Baay ayaa kulan saxaafeed uu maanta ku qabtay gudaha magaalada Baydhabo xarunta gobolkaasi waxa uu ku faah faahiyay dhacdo qarax aheyd oo shalay ka dhacday magaaladaas.

Waxa uu Col Mahad C/raxmaan Aadan sheegay in arintaasi ay kulamo gaar gaar ah kala yeesheen laamaha amaanka iyo ciidamada dowlada Itoobiya islamarkaana kala hadlay sidii baaritaan dheeraad ah looga sameyn lahaa dhacdadaasi.

Dhageyso warbixin Faah faahsan oo uu wariye Axmed Saadiq RIIX AMA DAAR

Taliyaha ayaa sidoo kale hadaladii uu saxaafada siiyay ku eedeeyay falkii shalay dhacay in ay ka dambeeyeen Xarakada Alshabaab, inkastoo aan jirin warar ku saabsan arintaan oo ka soo baxay xarakada Alshabaab.

Hadalkan ka soo baxay taliska Police-ka ee eedeynta loogu jeediyay in qaraxii shalay ay ka dambeysay xarkada Alshabaab ayaa imanaya xili ay jiraan warar sheegayay in qaraxii dhacay uu ahaa mid ka dhacay mid ka mid ah ciidamada dowlada Itoobiya oo goobta ka ag dhowaa.

Axmed C/qaadir Yarow
SBC International Garoowe