Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug G.sarre Aadan Nuur-qaal oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka warbixiyay labo ruux oo lagu dilay duleedka degmada Gaalkacyo gaar ahaan laanta dusmada.

Taliyaha ayaa sheegay in raga dilka geystay la aqoonsaday ka dib baritaan dheer oo ay ciidamada amaanka sameyeen waxa uuna sheegay in ragaas ay kasoo jedaan deegaanada Galmudug.

Dhanka kale Taliyaha ayaa waxa uu si guud ooga warbixiyay Xaalada amaan ee gobolka Mudug iyo howlgaladii ugu danbeeyay oo ay wadeen ciidama Booliska.

HOOS KA DHAGEYSO :