Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada B/weyne Cali Dhuux Mahad Alle oo  u waramay SBC  Ayaa Sheegay in Qasaare badan ay gaarsiiyeen  Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo Xalay weeraray Xabsiga Magaalada B/weyne.

Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Aanay wax qasaare ah ka soo gaarin weerari is xigay oo Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Xabsiga Magaalada B/weyne.

Waxa uu sheegay Taliye CalI Dhuux in Al-shabaab ay meeydad qaateen isga oo dhinaca kalena faah faahin ka bixiyay Howlgalo ay ka wadaan Gudaha Magaalada b/weyne.

Xalay saqdii dhexe Rag katirsan Al-shabaab ayaa weeraray Xabsiga Magaalada B/weyne waxaana laso sheegayaa in uu jiro qasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Hoos ka dhageyso: