Magaalada Garoowe Caasimada Puntland waxaa maanta ka furtmay tababar soonaya mudo 2 maalin ah kaas oo loo qabtay garsoorayaasha wax ka garsoori doona koobka kubadda cagta gobolka Puntland ee dhowan furmaya .

Garsoorayaashan oo ay tiradoodu tahay 13 garsoore ayaa uga faaiideysan doona tababarkan sida loo hagi lahaa garsoorka koobka dhowaan ka furmaya iyo guud ahaan ciyaarhaa gobolka Puntland.

Agaasimaha guud ee ciyaaraha wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha iyo ciyaaraha Puntland Axmed Cabdala Maxamuud Tigaana ayaa sheegay in tababarkan dulucdiisu tahay sidii looga faaiideysan lahaa ka gudbida murunada ka yimaada dhanka garsoorka iyo ciyaartoyda gobolada Puntland.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo ay Garowe ku diyaarisay wariye Maymuun C/risaaq Khaliif RIIX AMA DAAR

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in ay Garoowe xaadiraan dhamaan ciyaartoyda gobolada kala duwan ee ka qeyb galaya tartanka kubadda cagta gobolada Puntland kaas oo dhowan ka furmaya magaalada Garoowe Caasimada Puntland .