Magaalada Garoowe Caasimada Puntland waxaa maanta ka furmay tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda dadka muhaajiriinta ah, waxaana loo furay shaqaalaha wasaaradaha Haweenka, Cadaalada, Amniga iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Agaasimaha guud ee Barakacayaasha wasaarada Arimaha gudaha Puntland Mr Beexaani ayaa goobta ka sheegay in xuquuqda ay leeyihiin dadka Magan gelyo doonka ah ay tahay in masuuliyad la iska saaro dowlad iyo dadweynaba.

Waxa uu ku amaanay wasaarada arimaha gudaha in ay wax ka qabtaan xuquuqaha ay leeyihin dadka muhaajiriinta ah iyo kuwa qaxootiga ah ayna jiraan dad farabadan oo xuquuq farabadan la siiyay kuna sugan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Dhageyso Maymuun C/risaaq Khaliif oo warbixintan ku diyaarisay magaalada Garoowe.RIIX AMA DAAR

Tababarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo sanadahan dambe ay soo badanayaan dhibaatooyinka la soo darsa muhaajiriinta aan dalka u dhalan kuwaa soo inta badan aan jirin cid xil iska saarta.