Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi xarunta dalkaasi Kenya ayaa si dar darleh u muujinaya u diyaar garoga Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maalmo ka dib looguda gali doono.

Wariyeyaasha SBC ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa booqasho ku tagay Suuqyada waaweyn ee ay Soomaalidu ku badantahay siiba kuwa ku yaala xaafada Soomaalida ay degentahay ganacsiga badanna ay ku heysato

Waxay halkaasi kula kulmeen wariye yaasheena Dad isugu jira Ganacsato iyo kuwo adeeg doon ah .

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in siweyn ay ugu diyaargaroobayana dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, ayna iibsanayaan waxayaabaha daruuriga u ah ee badi umadda Soomaaliyeed ay isticmaalaan Bisha ramadaan,

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu Wariye Baashi Cumar Islaaciil uu ka diyaariyay warkan U diyaar garowga ah.RIIX AMA DAAR

Sikastaba ha ahaatee bulshada ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Soomaaliyeed ayaa kala bar la sheegaa in ay dib ugu laabteen gudaha dalka ka dib shaqaaqadihii dhacay bilowgii sanadkan iyo dhamaadka kii hore.

Baashi Cumar Ismaaciil
SBC International Nairobi.