Siyaasi Yaasiin Cartan Maxamed oo horay uga mid ahaa golihii wasiirada ee xakuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Generaal Cade Muuse ahaana wasiir kuxigeenkii Wasaarada Maaliyada ayaa warbaahinta SBC u sheegay in ay aad uga xun yihiin hadalkii 29 Bishan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ee ku aadanaa in Madaxweynihii hore ee Puntland uu khalalaaso ka wado deegaamada Puntland.

Cade Muuse waxaa uu ahaa Madaxwene Puntland waxaana uu ahaa madaxwene jecel nabada iyo horumarka shacabka punland waxaana uu sidoo kale ahaa Madaxwene jecel in ay nabad iyo Qaranimo guud ka islaaxdo geyiga soomaaliya oo dhan, waxaana uu haatan yahay shaqsiga kaliya ee ka shaqeeya Nabada ayuu yiri Yaasiin Cartan Maxamed.

Mar uu sidoo kale ka hadlaayay dhanka xisbiyada ayuu sheegay Mr Cartan in xukuumadiisa Cade Muuse ay hindisaheeda lahayd dhanka xisbiyada loo guurayo balse haatan ay suurtagalayn in Doorashooyin guud la qabto waxaa uu sidoo kale hadalkiisa uu ku daray in isaga Cartan ahaana uu Ka mid yahay ururka Midnimo.

Dhageyso Wareysi uu Siyaasi Yaasin Cartan Siiyay SBC RIIX AMA DAAR

Sidoo kale mar uu ka hadlaayay in xukuumadii ay gacanteedii ka bixisay gobolka sool ayuu sheegay in taasi ay ahayd mid haatan laga rabay xukuumada haatan jirta in ay gacanta Puntland Ku soo celiso waxaana uu hadalkaasi ku daray in wasiirka warfaafinta puntland uu ka soo jeedo Gobolka Sool deegaamo ka mid ah gobolkaas uusan tagi karin.

Ugu danbayntii waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dowladu ay raali galin deg deg ah ka bixisaa Hadalkaas loogu gafay Madaxwenihii hore Gen Cade Muuse.waxaana uu hadalkan ku soo beegmayaa xilli maalin ka hor uu Wasiirka Warfaafinta Puntland oo shir ku qabtay uu sheegay in Cade Muuse uu qalalaase uu ka wado puntland.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso