Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa rajo wannaagsan ka muujiyay in heshiis ay wada gaaraan Puntland iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya, Uu Noqdo Mid Mira dhal Ah, xilli Baarlamanku ay horay go’aamo uga soo saareen arrimaha Federaalka.

Xilli Uu Maanta ka hadlayay Baaqshada Kalafadhigii 35-aad ee Baarlamanka Puntland Ayaa Yiri ‘’Baarlamanku wuxuu isha ku hayaa sida ay wax u socdaan haday tahay Federaal iyo haday tahay gudaha,arrimo meel fiican bay marayaan,dalku wuu wannaagsan yahay,waxaan rajaynayaa in annga iyo Federaalka inay meel fiican wax ku dhamaadaan oo ay Soomaali israacdo’’Ayuu yiri Siciid Xassan Shire.

Siciid Xassan Shire ayaa sheegay in maalinta bari uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga Golaha Wakiiladda Puntland,waxaana uu xusay in Baarlamanka ay horyaalan Ajandayaal kala duwan.

Maanta ayaa waxaa dib udhacay kulan mudanayaasha baarlamanka ay ku laahaayeen xaruntooda Garowe, kadib Markii Uu Buuxsami Waayay Kooramkii Baarlamanka.

Dhageyso warbixin: