Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa Tilmaamaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan sheikh aadan uu haatan Gaaray degmada Bardaale ee gobolka Bay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan ayaa booqan doona Goobihii dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom oo al-shabaab ay ku sugnaayeen

Shariif Xasan ayaa sidoo kale la Kulmi doona saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan dowlada iyo amisom oo dhawaan la wareegay deegaano iyo degmooyin hoos Yimaada Gobolka Bay

Dhanka kale Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa Maanta waxey soo Bandhigi doonaan sida la sheegay Rag la sheegay in ay ka Tirsanaayeen ciidamada al-shabaab oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Bay