indhaguran1da Bisha May oo ay maanta ku beegantahay waxaa caalamka oo dhan laga xusaa Maalinta Shaqaalaha Aduunka, waxaana la fasaxaa dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala xarumaha Dowlada, goobaha ganacsi ee kale sida shirkadaha iyo goob kasta oo shaqaale uu ka shaqeeyo.

Hadaba munaasabadan maanta Awgeed shaqaalaha Dowlada Puntland waa fasax sida uu noo xaqiijiyay wasiirka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Puntland C/Wali indha guran.

Waxa uu sheegay wasiir C/wali xirsi Indha guran in dhamaan ay fasaxeen shaqaalaha Puntland deegaanada kala duwan ee ay ku sugan yihiin Maadaama ay tahay Maalintii shaqaalaha aduunka.

“Maanta waamaalintii shaqaalaha Aduunka, aduunka oo dhan waalooga dabaal degayaa, sidaa awgeed anagu aduunkaan ka mid nahay, shaqaalaha Puntland waa nasanayaan maanta” ayaa ka mid ahaa hadalada Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Dhageyso Faah faahin ku saabsan xuska Maalintan iyo Wariyaha SBC ee magaalada Garoowe Samiiro C/raxman .

DHAGEYSO

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay fasaxa maalintan isagoo ku booriyay in ay ka faa iideystaan ugana faaiideystaan hababka ugu haboon ee ay ay ku jirto danta dalka iyo dadka.

Samiiro C/raxmaan
SBC International Garoowe