Shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha dhexe aya soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha dhexe kaas oo ahaa in wax weyn laga qabanayo wadada xiriirisa muqdisho iyo Jowhar taas oo burbur badani ka jiro.

Shacabka ayaa sheegay in wadadani tahay mid istiraatiiji ah islamarkaana loo baahnaa hadalka ka soo yeeray masuulkan oo kale aadna ay ugu faraxsan yihiin soona dhaweynayaan.

Mid ka mid ah Dadka deegaanka oo noo waramay ayaa sheegay in wadadan aad ay ugu dhibaateysanaayeen dadka iyo wada yaasha gaadiidka, ayna saacado badan ku qaadan jirtay dadka ku safraya in ay u kala gooshaan labada dhinac, ayna tahay tani mid ay ku farxeen soona dhaweynayaan.

Dhageyso warbixin Faah faahsan oo ay Jowhar ku diyaarisay wariyaha SBC ee gobolka Shabeelaha dhexe Mako Maxamed Iimaan .RIIX AMA DAAR

Shalay ayay aheyd markii Maamulka gobolka Shabeleaha dhexe ay booqasho ku tageen wadooyinka burburka badani uu ka muuqdo shacabkuna ku dhibanaayeen waxaana ay goobtaas ka shaaciyeen in dib u dhis lagu sameyn doono wadaaas,