Magaalada Baran ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay maamulka cusub ee Jubaland halkaasoo ay isu soo bax balaaran ka sameeyeen Dadweynaha ku dhaqan magaaladaas,

Dadwaynihii isugu soo baxay ayaa waxay wateen gawaari ay ku xiran yihiin sameecado calamada Soomaaliya, Puntland iyo Jubaland iyo waliba halku dhigyo lagu taageerayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Iyo ku xigeenkiisa Gen Fartaag.

Dhageyso Warbixin ku saabsan Arintan oo uu Magaalada Baran xarunta gobolka Sanaag ka soo diray Wariyaha SBC ee gobolada Sanaag iyo Heylaan Cawil Nadiif Suldaan.RIIX AMA DAAR

Waxaana ugu danbayntii dadkii banaanbaxayay la hadlay Odoyaal iyo Masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo kan degmada Baran oo dhamaantood ay sheegeen in ay walaalahooda dhistay maamulka ay u muujinayaan taageero

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxuuud Ciyoon oo hadalka banaanbaxa soo xiray ayaa ka codsaday dowlada federaalka ah in ay iyaguna taageeraan maamulka Juba Land.

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Baran.