Shacabka Degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan ayaa maalintii labaad wada banaan baxyo ay cabasho ugu muujinayaan dowlada federaalka Soomaaliya, taas oo ku aadan go’doomin ay sheegeen in lagu sameeyay degmada.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka DFS ee Aagaas oo aan la xiriirnay in banaan baxaasi uu yahay mid nabadeed islamarkaana dadku ugu codsanayaan dowlada in ay furto wadooyinka xiran ee loo maro degmadaasi.

Dhageyso Warbixin arintan ku saabsan oo uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys.RIIX AMA DAAR

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay dowlada federaalku shaaca ka qaadeysay in ay si xoog ah ku tagi doonaan halka ay ku go’an yihiin wadooyinka soo gala Buulo burde iskuna xira gobolka Shabeelaha dhexe iyo Hooraan .