Raiisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan gole yaasha dowlada Federaalka Soomaaliya siiba xafiiska madaxweynaha iyo xildhibaanada qaar ee baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo dhowaan mooshin ku keenay madaxweynaha.

Raiisul wasaaraha ayaa sheegay in khilaafka jira uu hakad gelinayo howlihii hor u socod ee dowlada sidaasi awgeed loogaga baahan yahay in la hakiyo xiisadahaas, xiliganna aan loo baahneyn

Hadalkan Raiisul wasaare C/wali Sheekh Waxa uu ka sheegay mar uu shalay ka hor hadlayay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay labada dhinac in ay meel wanaagsan isugu yimaadaan.

Dhageyso warbixin ku saabsan warkan iyo Wariye C/rishiid Nuur DaahirRIIX AMA DAAR

Waayadii ugu dambeeyay waxaa muqdisho iyo xafiisyada dowladaba ka dhax taagneyd xiisad siyaadadeed oo ka dhalatay baaqii dhowaan ka soo baxay xildhibaanada ee ahaa in uu xilka ka dego Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.