Reysulwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake Ayaa Maanta Booqday Xeradda Dadka Qaxootiga Ah Ee Ku taalla Dagmadda Qardho ee Gobolka Kar-kaar.

Reysulwasaaraha ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay Qeybaha Kala duwan ee Hoyga U Ah Dadkan Oo Hadda si KMG Ah U dagan Jaamacadda Bariga Africa Fareecadda Magaaladda Qardho,

Waxaa Kormeerka Ku Wehlinayay Musiiliyaan Ka Tirsan Maamulka Gobolka Kar-kaar, Kan Dagmadda Qardho, Masuuliyiin ka Tirsan Dowladda Fedraalka Ah, Iyo Siyaasiga Cali cabdi Awaare.

Reysulwasaaraha Oo Halkaasi Khudbad Ka Jeediyay Ayaa Sheegay in Dowladda Dhexe ee Somaliya Ay markasta garab Taagantahay U gurmadka Walaalahoodda Ka soo Barakacay Dagaaladda Dalka Yemen.

Sidoo Kale Musiiliyiinta Maamulka Gobolkaasi iyo Kan Dagmadda Qardho ayaa Reysulwasaaraha Faah faahin ka Siiyay Xaalada Nololeed Ee Dadkaasi.

Reysulwasaaraha ayaa Goordhow Ka Laabtay Dagmadda Qardho Oo Uu Shalay Gaaray, iyadoo Uu Ku laabtay magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland.

Dagmadda Qardho Ee Xarunta Gobolka Kar-kaar Ayaa waxaa mudooyinkii udanbeeyay Gaarayay Qaxooti Ka soo jeedda dalka yemen Kuwaas Oo Ka soo dagayay Dekedda Magaaladda Boosaso ee Gobolka Bari.

Hoos ka dhageyso codadka”: