Kulan ku saabsan amaanka ayaa waxa uu ka dhacayaa mid ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir kaas oo uu ka qeyb galayo Raiisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed .

Kulankan oo uu horay u balan qaaday Raiisul wasaaraha Soomaalia aya waxaa si qota dheer loogu eegi doonaa arimaha amaanka iyo wada shaqeynta loogaga baahan yahay shacab weynaha magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in uu shirkaas ka hadlo Raiisul wasaraha Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo uu raiisul wasaaraha Soomaaliya kala qeyb qaato bulshada kuna saabsan amaanka oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya kulanka maamulada degmooyinka Muqdisho, xildhibaano iyo weliba dadka ka dhex shaqeeya bulshada.

dhageyso warbixin uu Muqdisho ku diyariyay wariye Jeylaani XuseenRIIX AMA DAAR