Dadka ka ag dhow wabiga shabeele ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo saaray cabasho tii ugu dambeysay ah taas oo ku aadan cabsi xoogan oo ay ka qabaan fatahaad baaxad weyn oo uu mar kale qar qarada jabsado wabigaas.

Dadka oo u badan beeraleyda aagaas ayaa sheegay in ay xiligan muujinayaan cabsida in wabiga uu sameeyo fatahaad, ayna taasi tahay mid ay ka dirayaan baaq rasmi ah oo ay ku doonayaan loogu soo gar gaaro waxyaabaha lagu celiyo fatahaada wabiga.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo arinta wabiga iyo arinkaleba ka hadleysa oo ay Jowhar ku diyaarisay wariye Mako Maxamed Iimaan.RIIX AMA DAAR

Wabiga ayaa xadkiisa dhaafay waxaana warar dheeraad ah oo aynu ka heleyno xaiijinayaan in meelo ka mid ah uu bilaabay in uu biyaha ka keeno.