Waxaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay xeryaha dhadhaab ee dalkaasi kenya dadkii ku dhaqnaa oo si iskood ah ugu laabanaya gudaha dalkooda hooyo ee ay horay ugu soo qaxeen .

Booqasho gaaban oo uu ku tagay wariyaha sbc ee xeryaha dhadhabaab goobaha laga raro gaadiidka u baxa dhanka Soomaaliya waxa uu ku arkay qoysas Soomaaliyeed oo gaadiidkii ay ku safri lahaayeen ag dhooban islamarkaana ay agabkoodii u xir xiran yihiin.

Qaarkood qoysaskaas ayaa la hadlay SBC waxaana ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib uga laabashada xeryahan iyagoo ay ku maqaale tahay in uu dalkii hooyo nabad isku bedelay.

Qaarkoodna waxa ay sheegeen in sababaha ugu waaweyn ee ay dib ugu laabanayaan dalkooda ay tahay xaalado amaandaro oo halka ay ku dhaqan yihin ka soo wajahday.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu wariye Baashi Cumar ismaaciil ka diyaariyay .RIIX AMA DAAR

Si kastaba ha ahaatee dadkan ayaa waxa ay isugu jiraan rag iyo haween weyn iyo yarba leh, waxaana ay xaqiijiyeen gaadiidleyda daabula qoysaskan in todobaadkiiba ay baxaan dad kor u dhaafaya 160 ilaa 200.

Baashi Cumar Ismaaciil
SBC International Dhadhaab