Inta la ogyahay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday in ka badan 3 kalena waa ay ku dhaawacmeyn ka dib markii mid ka mid ah ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo xarunta gobolka baay ay ka dhacday Bam nooca bamgacmeedka looyaqaano.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Agagaarka suuqa Sarifka ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku badan yihiin dadku xiliga dhacdadani dhaceysayna ay ahed xili mashquulka suuqu yahay mid aad u sareeya.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa loola xararay isbitalka guud ee magaalada halkaas oo iminka lagu daweynayo.

Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Baydhabo ayaa arintan faah faahinteeda iyo waxyaabihii sababay ka gaabsaday may aynu la xiriirnay,

Dhageyso Warbixin Faah faahin iyo Wariye Axmed C/qaadir Yarow, RIIX AMA DAAR

Dhinacooda ma jiraan wax war ah oo iyaga dhankooda ka soo baxaya saraakiisha ciidamada itoobiya ee Baydhabo ku sugan, taa oo ku aadan dhacdadii qaraxa ahaa ee ay ka dhasheen khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh.

Axmed C/qaadir Yarow
SBC International Baydhabo