Wararka ka imaanaya Deegaanka Makaqori Ee Gobolka Hiiraan Ayaa sheegaya in Qarax nooca Dhulka Lagu aasa ah Uu ka dhacay deegaankasi.

inta La xaqiijiyay ilaa 1-Qof Ayaa ku dhintay Qaraxaasi Halka 4-kalana Uu Dhaawac Soo Gaaray, iyadoo Dadka Waxyeeloobay ay ahaayeen dad Shacab ah Sida uu sheegayo Maamulka Deegaankaasi,

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee deegaankasi Ayaa SBC U sheegay in Weerarkaasi uu waxyeelo u geystay Dadka Shacabka ah ku dhaqan deegaanka Makaqori Oo Hoostaga Dagmadda Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Loo Adeegsaday Bambo Dhulka Lagu Aasay Waxaanna sida loo maleenayo lala damacsanaa Ciidamadda Dowladda Oo Dhawaan Halkaasi Kala Wareegay Xoogaga All-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay oo weerar Noocaan ah uu ka dhaco deegaanka Makaqori Tan iyo markii ay Qabsadeen Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hoos ka dhageyso: