Sida Uu Warbaahinta SBC U Xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Ee Puntland Maxamud ismaaciil (Ciyoon) Waxaa Dib Loo sii daayay Masuuliyiin ka socday Gudiga doorashooyinka Oo Iyaga U Xirnaa,

Ciyoon Ayaa Sheegay in Dadkani lagu sii daayay Amar Madaxweyne Ayna Kamid ahaayeen Gudiga Wacyigalinta Doorashooyinka Somaliland Kuwaas Oo Dhawaan lagu xiray Magaaladda Baran Ee Gobolka Sanaag,

Ciyoon ayaa Ku Tilmaamay Sababaha ay uyimaadeen Magaaladda Baran Daan-daansi Fashil Ku Dhamaaday Kaas Oo lagu guul dareystay Sida Uu Sheegayo,

Maxamud ismaaciil Ciyoon

Maxamud ismaaciil Ciyoon

Waxaanna Ay Aheyd Shalay Markii Ay Ciidamadda Daraawiishta Puntland Xabsiga Dhigeen Xumno kamid Ah Gudiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland Kuwaas Oo Iyagu Ay Sheegeen in La qafaashay,

Madaxda somaliland Oo Saxaafadda kula hadlay Har’geysa ayaa sheegay in masuuliyiintaasi la qafaashay islamarkaanna Ku Baaqay in la soo daayo,

Waxaa Xusid mudan in Gobolka sanaag iyo magaaladda Baranba Ay Kuwada suganyihiin Ciidamo iyo Masuuliyiin kala matala Maamulada Puntland iyo Somaliland.

DHAGEYSO WARBIXIN: