Xaalada Deegaanka Beer guduud ee gobolka Hiiraan ayaa degen maanta ka dib markii shalay nin hubeysani uu rasaas ooda kaga qaaday 2 qof iyadoo mid ka mid ahi uu dhintay.

Cabdi Madoobe oo ka mid ah dadka deegaankaas ayaa u xaqiijiyay xafiiska SBC ee Gobolka Hiiraan in xaalada ay degtay ka dib markii ninka falka geystay gacanta lagus oo dhigay.

Dhageyso war faahfaahsan oo uu warkan ka diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys.RIIX AMA DAAR

Ninkan ayaa iminka ku xiran xarunta police-ka degmadaas, waxaana ay sheegeen dadkii uu dadka ka dilay in ay u baahan yihiin in ninkan loo qisaaso .

Waxay noqoneysaa dhacdada ceynkan ah tii ugu horeysay ee ka dhacday degmadaas .